Arbaco, Juun 17, 2026 (Baidoa Online) -Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in Israa’iil iyo Somaliland ay muddo sannado ah wada lahaayeen iskaashi amni oo si hoose loo waday, kaas oo uu ku tilmaamay hawlgallo iyo howlo kala duwan oo qarsoodi ahaa.
Katz, oo warbaahinta kula hadlay Madaxweynaha Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirro), ayaa sheegay in labada dhinac ay hadda ka shaqeynayaan sidii loo ballaarin lahaa xiriirka iyo iskaashiga dhinaca amniga, isla markaana loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxeysa.
Wasiirku ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan nooca hawlgallada la fuliyay, goobaha ay ka dhaceen, ama howlaha gaarka ah ee labada dhinac iska kaashadeen muddadii la soo dhaafay.
Hadalka Katz ayaa kusoo beegmaya xilli Somaliland ay dadaal ugu jirto inay xoojiso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo kuwa amni ee ay la leedahay dalal kala duwan, iyadoo arrintan ay si gaar ah u soo jiidan karto indhaha dalalka Geeska Afrika iyo kuwa daneeya amniga gobolka.
Ilaa hadda, ma jiraan warar rasmi ah oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya heshiisyada ama qorshayaasha amni ee ay labada dhinac ka wada hadleen, inkastoo hadalka Wasiirka Difaaca Israa’iil uu muujinayo jiritaanka xiriir amni oo muddo soo socday.
