Jimco, May 29, 2026 (Baidoa Online) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa booqasho ku tagay Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan deegaanka Janna Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey doorkooda muuqda ee ay ku leeyihiin sugidda amniga iyo difaaca deegaanada Jubaland, isagoo xusay in ay si joogto ah uga shaqeeyaan xasilinta gobolka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhawaan la bilaabi doono howl-gallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo uu ku tilmaamay Khawaariij, kuwaas oo ka socda qaybo ka mid ah Jubaland.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyey in ay sii laba jibaaraan diyaar garowgooda, isla markaana ay u diyaargaroobaan howl-gallada cusub ee la filayo in ay billowdaan.