Talaado, Juun 9, 2026 (Baidoa Online) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta kulan la qaatay Ku-simaha Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo wafdi uu hoggaaminayay, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray iskaashiga amniga, xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo geeddi-socod siyaasadeed loo dhan yahay.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta amniga, taageerada dadaallada lagu sugayo nabadgelyada, iyo sidii loo sii dardargelin lahaa howlaha lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ee khatarta ku ah amniga Soomaaliya iyo gobolka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo ay si wadajir ah uga qayb qaataan dhammaan dhinacyada ay khusayso si xal waara loogu helo arrimaha taagan.

Madaxda ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo wada-hadal, is-afgarad, iyo iskaashi siyaasadeed oo horseeda xasillooni, midnimo, iyo dowladnimo xooggan oo ka hanaqaadda Soomaaliya.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka ay ka jiraan dooddo siyaasadeed oo la xiriira dib-u-habaynta dastuurka, nidaamka doorashooyinka, iyo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga Maraykanka ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee socda, kuwaas oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga, horumarinta dowladnimada, iyo taageeridda geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.