Arbaco, Juun 3, 2026 (Baidoa Online) -Maamulka Jubbaland ayaa si adag u eedeeyay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sheegay in uu dalka dib ugu celinayo xaalad colaadeed isla markaana uu wiiqayo horumarkii nabadeed ee la gaaray, ayna ka digeen in tallaabooyinkiisa ay khatar weyn ku yihiin xasilloonida dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa si kulul loogu cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen weerarro galabta iyo caawa ka dhacay Muqdisho oo lagu beegsaday guryaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Jubbaland ayaa sheegtay in weerarradan ay dhaceen xilli ay socdeen dadaallo nabadeed oo lagu dhex-dhexaadinayay khilaafaadka siyaasadeed, kuwaas oo ka socday guriga Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, halkaas oo ay ku sugnaayeen odayaal dhaqameed uu hoggaaminayay Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi oo ka tirsan beesha Murursade, kuwaas oo ka shaqeynayay xal u helidda ismari-waaga taagan.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyiinta la beegsaday ay ku jireen diyaarinta bannaanbax nabadeed oo lagaga soo horjeedo barakicinta shacabka, xarigga dadka cabbiraya aragtidooda siyaasadeed, iyo muddo-kororsi ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah.

Waxay sheegeen in tallaabooyinkani ay si toos ah uga hor imanayaan xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta, isla markaana aan la aqbali karin in awood dowladeed loo adeegsado cabsi-gelin, cadaadis siyaasadeed ama xannibaad lagu sameeyo xorriyadda hadalka iyo isu-soo-baxa nabadeed.

Jubbaland ayaa intaa ku dartay in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu muddo dheer diiddanaa in heshiis laga gaaro jihada siyaasadeed ee dalka iyo hannaanka doorashooyinka Federaalka, ayna sheegeen in wada-hadalladii u dambeeyay ay muujinayaan inuusan diyaar u ahayn in la gaaro is-afgarad lagu xalliyo marxaladda kala-guurka ah.

Ugu dambeyn, Jubbaland waxay ku adkeysatay in xalka kaliya ee looga bixi karo xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan uu yahay wada-hadal loo dhan yahay, is-afgarad, iyo hannaan lagu heshiiyey oo lagu go’aamiyo doorashooyinka dalka.