Khamiis, Juun 11, 2026 (Baidoa Online) -Suleyban Axmed Guudle oo ahaa musharrax dhallinyaro ah oo u taagnaa xilka xildhibaan golaha deegaanka ayaa caawa lagu toogtay degmada Afgooye, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa.

Koox hubeysan ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen marxuumka, kadibna ay goobta ka baxsadeen. Marxuumka ayaa xilligan diyaarinayay ka qaybgalka doorashada golaha deegaanka.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah iyo ehellada, dilka ayaa ka dhacay aagga Carwada UK ee degmada Afgooye, halkaas oo dableydu ay rasaas ku fureen marxuumka, kadibna ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta. Illaa hadda lama oga cidda ay yihiin raggii fuliyay weerarka.

Marxuumka ayaa lagu tilmaamay mas’uul hore oo door muuqda ku lahaa siyaasadda deegaanka, isla markaana ka mid ahaa xubnihii hore ee Golaha Deegaanka degmada Afgooye.

Laamaha ammaanka ayaan weli soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan falkan. Sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka, waxaana weli aan caddayn sababta ka dambeysa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay cabsi xooggan ka dareemeen dhacdada, taas oo sare u qaaday walaaca amni ee degmada Afgooye.