Axad, May 17, 2026 (Baidoa Online) -Francesca Di Mauro ayaa si muuqata uga tagtay adeegsiga erayga “Madaxweyne” markii ay tixraacaysay Hassan Sheikh Mohamud war-saxaafadeedkii ka soo baxay kulankii ugu dambeeyay ee ay la yeelatay, taas oo ka duwaneyd kulankii ay la qaadatay 17-kii Febraayo ee sanadkan, xilligaas oo ay si toos ah ugu adeegsatay cinwaanka Madaxweynaha.

Isbeddelkan ku yimid luqadda diblomaasiyadeed ayaa yimid iyadoo Midowga Yurub uu si ka duwan Villa Soomaaliya u fasiray waxa looga hadlay kulanka. Villa Soomaaliya ayaa diiradda saartay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac, halka Midowga Yurub uu xoogga saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo baahida loo qabo wada-hadal iyo wada-tashi u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Kala duwanaanshahan ayaa muujinaya farqi muuqda oo ku saabsan sida labada dhinac u soo bandhigeen nuxurka kulanka, taas oo dhalisay falanqayn siyaasadeed oo ku saabsan fariimaha diblomaasiyadeed ee la adeegsanayo.

Sidoo kale, falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa tilmaamaya in ka tagista adeegsiga cinwaanka “Madaxweyne” ay yeelan karto macne diblomaasiyadeed, xilli ay sii kordhayaan doodaha la xiriira dhammaadka muddada dastuuriga ah ee Xasan Sheekh Mohamud oo ku beegan 15-kii May 2026. Arrintan ayaa loo arkaa inay tahay fariin xasaasi ah oo muujin karta taxaddarka Midowga Yurub ee xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysanaysa.