Sabti, May 16, 2026 (Baidoa Online) -Guddiga Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyey fashilka ku yimid wada-hadalladii siyaasadeed ee magaalada Muqdisho ku dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed ee mucaaradka, kuwaas oo kusoo dhammaaday natiijo la’aan.

[@portabletext/react] Unknown block type "image", specify a component for it in the `components.types` prop

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, loona baahan yahay in dhinacyada siyaasadda ay ka fogaadaan mowqifyada adag ee sii kordhin kara xiisadaha jira.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo mucaaradka inay si degdeg ah dib ugu laabtaan wada-hadal dhab ah oo ku saleysan tanaasul siyaasadeed, is-afgarad iyo dhowrista nidaamka dastuuriga ah, gaar ahaan muddo xileedyada hay’adaha dowladda.

“Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed, midnimada qaranka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Guddiga Midowga Afrika ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, oo ay ku jirto hirgelinta howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, iyadoo la kaashanayo Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Midowga Afrika uu diyaar u yahay taageeridda dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan si loo xaqiijiyo nabad, amni iyo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Walaaca Midowga Afrika ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.