Sabti, 6 Juun (Baidoa Online) -Xubno ka tirsan mucaaradka Muqdisho ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay beegsaneyso Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, sidoo kalena ay bartilmaameedsanayso ganacsiyo iyo guryo gaar loo leeyahay oo ku yaalla caasimadda.

Mucaaradku waxay sheegeen in tallaabooyinka dowladda ay yihiin kuwo saameynaya shaqsiyaad hore xilal sare uga soo qabtay dalka iyo sidoo kale hantida rayidka, iyagoo ku tilmaamay arrinta mid walaac amni iyo mid siyaasadeedba leh.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado hawlgallo amni oo lagu baadigoobayo hub la sheegay in lagu qariyey degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa ku adkaysatay in hawlgalladaasi ay yihiin kuwo lagu sugayo amniga caasimadda isla markaana looga hortagayo falal amni-darro ah.

Ilaa hadda ma jiro war madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya eedeymaha ay mucaaradku jeediyeen, sidoo kalena ma jirto jawaab dheeraad ah oo ka timid dhinacyada la sheegay in la beegsaday.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo labada dhinac ay kala sheegeen aragtiyo is khilaafsan oo ku saabsan xaaladda amniga iyo hawlgallada socda ee Muqdisho.