Sabti, May 23, 2026 (Baidoa Online) -Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa dhalinyaro si nabad ah u muujinayay cabashadooda ku eedeeyay inay ku lug leeyihiin rabshado iyo falal lidi ku ah amniga, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo caasimadda ayaa sheegaya in dhalinyaro iyo shacabka qaybo kamid ah Muqdisho ay maalmihii lasoo dhaafay muujiyeen cabashooyin la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo muranka ka dhashay muddo xileedka dowladda federaalka oo mucaaradku ku doodayaan inuu dhammaaday.
Booliiska Soomaaliya ayaa dhinacooda sheegay inay ka hortagayaan falal amniga khalkhal gelin kara, balse dad goob joogayaal ah ayaa ku eedeeyay ciidamada inay adeegsadeen tallaabooyin adag oo lagu kala eryayo dhalinyarada iyo shacabka mudaharaadayay.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in xaalad cabsi iyo walaac ah laga dareemayo Muqdisho, iyadoo la arkayay ciidamo dheeraad ah oo lagu daadiyay xaafado kamid ah magaalada, gaar ahaan goobaha laga cabsi qabo inay ka dhacaan dibadbaxyo iyo isu soo baxyo siyaasadeed.
Dadka dhaliilsan dowladda ayaa ku eedeeyay maamulka inuu bilaabay caburin lagu hayo dhalinyarada iyo shacabka aragtidooda cabbiraya, halka taageerayaasha dowladda ay ku doodayaan in tallaabooyinka amni ay yihiin kuwo lagu ilaalinayo xasilloonida caasimadda.
Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sii xoogeysaneysa iyadoo mucaaradka ay ku baaqeen dibadbaxyo waaweyn oo la filayo inay ka dhacaan Muqdisho toddobaadyada soo socda, halka dowladda ay sheegtay inay sugayso amniga guud ee dalka.



