Arbaco, Juun 3, 2026 (Baidoa Online) -Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay weerarka lagu qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyo sidoo kale odayaal dhaqameed iyo waxgarad ku howlanaa dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Xildhibaanku ku sheegay in weerarku uu beegsaday hoggaamiyeyaasha siyaasadda, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka bulshada oo ku hawlanaa nabadeynta iyo xal u helidda xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Wuxuu sheegay in tallaabadan ay tahay mid khatar ah oo muujinaysa xaalad siyaasadeed oo kacsan, isla markaana keeni karta sii hurinta colaado hor leh.

“Beegsiga siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka waa fal muujinaya jahawareer siyaasadeed iyo hurinta colaado,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoo carrabka ku adkeeyay in odayaasha dhaqanku ay yihiin tiirarka nabadda, wadajirka bulshada iyo xalinta khilaafaadka Soomaaliyeed.

Xildhibaanku wuxuu sidoo kale ka digay in dowlad kasta oo ka gudubta muddo xileedkeeda isla markaana awood ciidan u adeegsata caburinta siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah ay wajahdo cawaaqib xumo iyo qoomamo siyaasadeed.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay ciidamada qalabka sida inay ilaaliyaan dhexdhexaadnimadooda, kana fogaadaan ku lug yeelashada murannada siyaasadeed, isla markaana ay diidaan amar kasta oo ka dhan ah siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo shacabka.

“Ciidanka qalabka sida waxay u jiraan difaaca dalka iyo shacabka, ee looma adeegsan karo dano siyaasadeed,” ayuu ku daray.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee magaalada Muqdisho, iyadoo laga soo sheegayo dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xaalad kacsanaan ah oo saameyn ku yeelatay qaar ka mid ah degmooyinka caasimadda.

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin eedeymaha uu soo jeediyay xildhibaanku.