Jimco, Juun 19, 2026 (Baidoa Online) -Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya, odayaasha dhaqanka, culimada iyo maamulka inay hormuud ka noqdaan dadaallada nabadeynta

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimo ayaa si adag ugu baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka beelaha ee ka socda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay walaac amni, barakac iyo dhibaatooyin soo wajahay shacabka ku nool deegaanka.

Qoraal uu soo saaray xildhibaanka ayaa lagu sheegay in colaadda sii socota ay khatar ku tahay nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, isagoo cambaareeyay nooc kasta oo rabshado iyo hadallo hurin kara colaadda.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka, odayaasha dhaqanka, culimada, maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay hormuud ka noqdaan dadaallada lagu joojinayo colaadda laguna xoojinayo wada hadalka iyo dib-u-heshiisiinta,” ayuu yiri xildhibaanku.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, dagaallada ka socda Jalalaqsi ayaa sababay barakac soo gaaray qaar ka mid ah shacabka, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in xaaladdu sii xumaato haddii aan si deg-deg ah loo helin xal nabadeed.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo hadallada iyo ficillada sii hurinaya colaadda, isagoo ku adkeystay in nabaddu ay tahay waddada keliya ee lagu badbaadin karo shacabka iyo mustaqbalka degmada Jalalaqsi.

Muhiimadda Nabadda Jalalaqsi

Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah degmooyinka muhiimka ah ee gobolka Hiiraan, waxaana marar kala duwan ka dhacay khilaafaad beeleedyo saameyn ku yeeshay amniga iyo nolosha shacabka. Odayaasha dhaqanka iyo culimada ayaa door muhiim ah ka qaatay xalinta colaadaha noocan oo kale ah, iyadoo markan sidoo kale la filayo in dadaallada nabadeynta la dardargeliyo.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay Alle ka cabsadaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee daadanaya, isla markaana ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin dhab ah oo lagu soo celinayo xasilloonida degmada.