Arbaco , May 20, 2026 (Baidoa Online) -Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, isagoo sheegay in uu wado abaabul ciidan oo cusub oo sida uu hadalka u dhigay loogu talagalay in lagu caburiyo mucaaradka dowladda kasoo horjeeda.

Warsame ayaa sheegay in mucaaradku ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda gobollada dhexe ee dalka, kuwaasi oo uu sheegay in lagu tababaray deegaanadaas, islamarkaana la diyaarinayo guutooyin cusub oo si gaar ah ugu xiran madaxtooyada.

Sidoo kale, wuxuu xusay ciidamo kale oo la xiriira xerada TurkSom, kuwaasi oo uu ku andacooday in Madaxweynaha uu qorsheynayo inuu soo saaro si loogu adeegsado dano siyaasadeed.

“Waxaan ognahay in Xasan Sheekh uu wado abaabul ciidan. Wuxuu soo wadaa ciidamo lagu tababaray gobollada dhexe, guutooyin cusub oo u xareysan inuu lasoo baxayo ayaan ognahay, sidoo kale kuwa TurkSom ugu xareysan inuu lasoo baxayo ayaan ognahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalka kasoo yeeray Warsame ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo muddooyinkii dambe si joogto ah u dhaliilayay hanaanka siyaasadeed iyo amni ee dowladda.

Ilaa iyo hadda, madaxtooyada Soomaaliya ayaan wax jawaab ah kasoo saarin eedeymaha loo jeediyay Madaxweynaha.