Isniin, May 18, 2026 (Baidoa Online) -Wakiillo caalami ah oo ku sugan xarunta Xalane ayaa wadahadallo la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga siyaasadeed ee Mustaqbal, iyaga oo ka arrinsanaya xaaladda kala-guurka siyaasadeed iyo muranka doorashooyinka dalka.

Sida ilo xog-ogaal ah ay sheegeen, wakiillada caalamiga ah ayaa kulanka ku sheegay in ay jirto is-faham guud oo ku saabsan laba qodob oo waaweyn.

Ugu horreyn, waxay xuseen in ay jirto aqoonsi guud oo ah in muddo xileedkii dowladda federaalka uu dhammaaday, isla markaana dalka uu galay marxalad kala-guur ah oo u baahan maamul isu dheellitiran oo aan hal dhinac u xaglin.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen in ay lama huraan tahay in heshiis siyaasadeed laga gaaro hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, iyaga oo sheegay in aan hal dhinac keligii go’aamin karin nooca iyo habka doorashada, balse loo baahan yahay wada-tashi qaran oo loo dhan yahay.

Daneeyayaasha caalamiga ah ayaa sidoo kale ka digay in iska horimaadyo hubeysan ay sii xumeyn karaan xaaladda, iyaga oo ku boorriyay dhinacyada mucaaradka in ay muujiyaan deganaan ayna sii wadaan wadahadallada siyaasadeed.

Waxay intaas ku dareen in ay socdaan dadaallo dheeraad ah oo ay kula kulmayaan dhinacyada kale ee siyaasadda, si loo gaaro xal waara oo ku saabsan maamulka xilliga kala-guurka iyo habraaca doorashooyinka dalka.