Arbaco , May 27, 2026 (Baidoa Online) -Ahmed Abdi Kaariye ayaa ka hadlay xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka, gaar ahaan khilaafka ku saabsan hanaanka doorashooyinka ee la filayo.


Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in shacabka Galmudug ay hadda yihiin kuwo si weyn uga warqaba arrimaha siyaasadda, isla markaana aan la aqbali doonin go’aanno aan lagu wada heshiin oo lagu soo rogo si keli talis ah. Waxa uu xusay in la soo afjaray xilligii lagu fulin jiray arrimo aan lagu raalli ahayn shacabka.

Hadalladiisa ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in khilaaf xooggan uu ka taagan yahay qorshaha dowladda federaalka ee la xiriira doorashooyinka, kaas oo lagu eedeeyay in lagu doonayo in si aan wada tashi ahayn loo fuliyo.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa sii xoogeysanayay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac, taas oo keentay walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Arrintan ayaa muujinaysa caqabadaha weli ka taagan heshiis siyaasadeed oo mideysan oo ku saabsan doorashooyinka dalka, gaar ahaan maamul goboleedyada oo ay ka jiraan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan awood qeybsiga iyo habraaca doorashada.