Talaado, Juun 16, 2026 (Baidoa Online) -Maamulka Puntland ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, iyagoo ku andacoonaya in siyaasadaha Dowladda Federaalka ay khatar ku yihiin midnimada iyo wadajirka dalka.

Wasiirka Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayo xaalad siyaasadeed oo adag, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku mashquulsan yahay arrimo siyaasadeed oo sii hurinaya khilaafaadka dalka halkii uu xoogga saari lahaa mideynta shacabka iyo dowlad-dhiska.

Wasiirku wuxuu sheegay in xalka Soomaaliya aanu ku jirin cadaadis siyaasadeed, awood adeegsi ama go’aanno hal dhinac ah, balse uu ku jiro wada-hadal dhab ah iyo geeddi-socod siyaasadeed oo ay ku heshiiyaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

“Dalka laguma maamuli karo waraaqo aan wadatashi ku dhisnayn, awood iyo qori caaradiina xal waara ma keeni karto. Xalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa in talada la isugu yimaado lana helo doorasho ay wada oggol yihiin dhammaan dhinacyadu,” ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyada Puntland.

Hadalka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, gaar ahaan arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, nidaamka doorashooyinka iyo awood-qaybsiga dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha iyo hadallada kasoo yeeray mas’uuliyiinta Puntland.