Khamiis, Juun 18, 2026 (Baidoa Online) -Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in aan deegaannadeeda lagu sugi karin ama laga gudbi karin ciidamo iyo gaadiid ciidan oo aan ka tirsanayn Ciidamada Puntland, iyadoo sabab uga dhigtay khilaafaadka wali u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii Golaha Wasiirrada Puntland ee maanta ka dhacay Garoowe, kaas oo uu guddoominayay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor.
War-saxaafadeed ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in Puntland ay adkaynayso mowqifkeeda ah in aysan qeyb ka ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ilaa laga gaarayo heshiis buuxa oo ku saabsan dhammaan arrimaha la isku hayo ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka, gaar ahaan hannaanka dhismaha Ciidan Qaran oo heer Federaal ah.
Golaha Wasiirrada ayaa faray hay’adaha amniga iyo caddaaladda Puntland inay xaqiijiyaan in aan deegaannada Puntland lagu sugi karin ama laga gudbi karin ciidamo iyo gaadiid aan ka tirsanayn Ciidamada Dowladda Puntland.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in tallaabooyin waafaqsan sharciga laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta xeerarka iyo qawaaniinta Puntland. Puntland ayaa ugu baaqday shacabka inay door muuqata ka qaataan ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulka.
Go’aankan ayaa muujinaya sii socoshada khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga iyo nidaamka federaalka dalka.

