Sabti , May 16, 2026 (Baidoa Online) -Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gashay marxalad kala-guur siyaasadeed iyo loollan doorasho oo xasaasi ah, iyadoo ku baaqday in degdeg loo gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu xasiliyo xaaladda dalka.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa sheegay in xaaladda taagan ay u baahan tahay wada-hadal loo dhan yahay oo lagu dhisayo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan hannaanka iyo qaabka doorashooyinka dalka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale muujisay walaac ku aaddan natiijo la’aanta ka dhalatay wada-hadalladii siyaasadeed ee maalmihii la soo dhaafay ka socday Xerada Xalane, kuwaas oo aan laga gaarin wax horumar ah oo muuqda.

“Waa wax laga xumaado in mar kale wada-hadalladu ay ku soo dhammaadeen iyada oo aan xal laga gaarin khilaafaadka muhiimka ah ee taagnaa,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay UNTMIS.

QM ayaa ku adkaysatay in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay u baahan tahay dib-u-eegis istiraatiiji ah, si looga fogaado sii socoshada khilaafaadka siyaasadeed ee saameynaya amniga, xasilloonida iyo adeegyada bani’aadantinimo ee dalka.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay ka digtay in khilaafka siyaasadeed ee daba dheeraada uu caqabad toos ah ku noqon karo dadaallada nabadda, horumarka iyo gargaarka bani’aadantinimo ee Soomaaliya.

Baaqan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka maamulka dalka, iyadoo aan wali la gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.