Talaado, Juun 16, 2026 (Baidoa Online) -Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Kalluumeysiga ee dowlad-goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug ayaa si rasmi ah uga horyimid ansixinta Istaraatiijiyadda Qaran ee Qiimeynta Khayraadka Kalluumeysiga (2026–2031).

Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in aan lagala tashan diyaarinta istaraatiijiyadda, taasoo ay ku tilmaameen mid ka gaabisay ka-qaybgalka iyo wadatashiga dhinacyada ay khuseyso.

Agaasimayaasha ayaa ku baaqay in dib loo dhigo ansixinta qorshahan, ilaa laga sameeyo wadatashi ballaaran oo ay si buuxda uga qayb galaan dowlad-goboleedyada iyo dhammaan hay’adaha ay quseyso.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in qorshe kasta oo la xiriira maamulka khayraadka dabiiciga ah uu u baahan yahay iskaashi iyo hufnaan si loo xaqiijiyo maamul waara oo lagu kalsoonaan karo.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha iyo walaacyada ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta dowlad-goboleedyada.