Sabti, 6 Juun (Baidoa Online) -Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed ee taageersan Madaxweynaha Cabdicasiis Lafta-gareen, Xasan Cabdikadir, oo ay wehliyaan masuuliyiin sare, ayaa booqasho ku tagay xeryo ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo.
Wafdiga waxaa ka mid ahaa Afhayeenka maamulka Ugaas Xasan, General Aamiin Maxamed Cusmaan, Malaaq Shanla Gaab, iyo masuuliyiin kale oo sar-sare.
Sida ay sheegeen masuuliyiintu, booqashada ayaa ujeedkeedu ahaa dhiirrigelinta ciidamada iyo qiimeynta diyaargarowga ciidamada ku xiran maamulka Lafta-gareen.
Ciidamada ku sugan duleedka Baydhabo ayaa la sheegay inay wadaan diyaargarow la xiriira hawlgallo lagu doonayo in lagu xoojiyo ama lagu ballaariyo gacan ku haynta magaalada Baydhabo, oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamo ku xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira Koonfur Galbeed, halkaas oo ay jirto kala aragti duwanaansho xooggan oo u dhexeeya maamul ay taageerto dowladda federaalka iyo midka Lafta-gareen oo ku sugan duleedka magaalada kadib khilaafyo iyo is-mariwaa hore.
Xaaladda ayaa muujinaysa kala qaybsanaan siyaasadeed oo ballaaran, iyadoo ay jirto muran ku saabsan sharciyadda maamulka iyo gacan ku haynta magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku lug leeyihiin masuuliyiin lagu tilmaamay madaxweyne hore iyo wasiir hore oo amniga ah.






