Arbaco, Juune 10,2026 ( Baidoa online )- Dadweyne ku nool xaafadda Buulo-Xuubey iyo deegaanno kale oo ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya si weyn loogu daadiyay deegaanno u dhow Ceel-Qalow iyo agagaarka Hotel Al-Jazeera, halkaas oo ay ku nool yihiin siyaasiyiin iyo taageerayaal lala xiriirinayo mucaaradka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qoysas badan, oo ay ku jiraan haween carruur sita iyo dad da’ ah oo naafo ah, lagu arkay iyagoo ka baxaya guryahooda iyagoo cabsi ka qaba in xaaladdu isu beddesho iska hor imaad hubeysan. Dadka deegaanka ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay sii kordhaysay dhaq-dhaqaaqa ciidamada, taasoo abuurtay cabsi iyo jahwareer ka dhex jira shacabka.
Xiisadda ayaa sii xoogaysatay kadib markii gaari gaashaaman oo ay leedahay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kana mid ah gawaarida loo yaqaan “Abdi Bile”, lagu arkay meel u dhow hoyga siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee degmada Wadajir. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya gaariga oo taagan meel aan sidaas uga fogeyn guriga siyaasiga, inkastoo aysan weli jirin wax war ah oo dowladda ama NISA ka soo saareen sababta loo geeyay halkaasi.
Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay wajahaysa mid ka mid ah qalalaasihii siyaasadeed ee ugu adkaa sanadihii ugu dambeeyay. Khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan ayaa salka ku haya muran ka dhashay hanaanka doorashooyinka dalka, wax-ka-beddellada dastuurka, iyo sharciyadda hay’adaha dowladda Federaalka.
Mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaa ku doodaya in muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu dhammaaday 15-kii May 2026, halka muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026. Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku dooday in wax-ka-beddelladii dastuurka ee uu ansixiyay Baarlamaanku ay muddo kordhin sharci ah u sameeyeen hay’adaha dowladda isla markaana ay dib u dhigeen doorashooyinkii la filayay inay dhacaan sanadkan.
Khilaafka ayaa sii xoogaystay bishii Maarso markii Baarlamaanka Federaalka uu meel mariyay isbeddello lagu sameeyay dastuurka, kuwaas oo dowladda sheegtay inay dalka u horseedayaan nidaam doorasho qof iyo cod ah. Hase yeeshee, mucaaradka, siyaasiyiin hore iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda inay dastuurka wax uga beddeshay si aan loo wada dhammayn isla markaana aan lagu helin is-afgarad qaran.
Maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho waxaa ka dhacay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo sii kordhiyay walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed isu beddelo amni darro. Toddobaadkii hore waxaa qeybo kamid ah caasimadda ka dhacay iska hor imaadyo dhexmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad taageersan mucaaradka, taasoo sababtay barakac dadweyne iyo burbur hantiyeed.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah, oo ay ku jiraan Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa marar badan ku baaqay in la qabto wada-hadal siyaasadeed oo lagu xalliyo muranka ka taagan dastuurka iyo doorashooyinka. Dowladda Federaalka ayaa iyaduna ku adkaysanaysa in tallaabooyinka ay qaaday ay yihiin kuwo sharci ah oo lagu xaqiijinayo xasilloonida dalka iyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka tooska ah.
Ilaa hadda ma jirto wax war rasmi ah oo dowladda Federaalka ama NISA ka soo saareen ciidamada la geeyay degmada Wadajir iyo gaariga gaashaaman ee la dhigay agagaarka guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Dadka deegaanka ayaa weli cabsi ka muujinaya in xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa ay saameyn toos ah ku yeelato ammaanka caasimadda iyo nolosha shacabka rayidka ah.

