Arbaco, Juun 10, 2026 (Baidoa Online) -Qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in caawa ay ka dhacaan hakad ku yimaada adeegyada korontada iyo internet-ka, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah iyo shirkadaha adeegyada bixiya, arrintaas oo walaac ku abuurtay qaar kamid ah shacabka maadaama ay magaalada ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo kuwo amni oo xasaasi ah.

Sida ay ilo wareedyo aan la hadalnay sheegayaan, hakadka la qorsheeyay lama xiriirinayo xiisadaha siyaasadeed ama dhaq-dhaqaaqyada amni ee ka socda magaalada Muqdisho. Shirkadaha ay khusayso ayaa sheegay in arrintan ay tahay dayactir joogto ah oo farsamo, kaas oo inta badan la qabto xilliyada habeenkii si loo yareeyo saameynta uu ku yeelan karo macaamiisha.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kaceen dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ammaanka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka jira caasimadda. Indhaha siyaasiyiinta iyo shacabka ayaa si gaar ah ugu jeeda deegaanada Ceelqalow iyo Buula-Xuubey ee degmada Wadajir, halkaas oo maalmahan laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo amni oo dheeraad ah.

Inkasta oo shirkadaha adeegga bixiya ay ku adkeysanayaan in hakadkan uu yahay mid farsamo oo qorsheysan, haddana waqtiga uu kusoo beegmay ayaa sababay hadal-heyn iyo su’aalo ka dhex aloosan bulshada. Qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa noo sheegay inay feejigan yihiin isla markaana si dhow ula socdaan xaaladda, iyagoo walaac ka muujiyay tallaabooyinkii amni ee ugu dambeeyay iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ilaa hadda ma jiro wax caddeyn ah oo muujinaya in hakadka korontada iyo internet-ka uu xiriir la leeyahay howlgal amni ama arrimo siyaasadeed. Ilo xog-ogaal ah ayaa ku adkeysanaya in adeegyada la joojinayo ay qayb ka yihiin dayactir hore loo qorsheeyay.

Dadka degan Muqdisho ayaa lagu wargeliyay inay filan karaan hakad ku-meel-gaar ah oo ku yimaada adeegyada korontada iyo internet-ka, isla markaana ay la socdaan wararka iyo ogeysiisyada rasmi ah ee shirkadaha adeegyada bixiya.