Talaado , May 26, 2026 (Baidoa Online) -Sheikh Sharif Sheikh Ahmed iyo xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran ayaa si adag uga horyimid hadallo kasoo yeeray Taliyaha Booliska Muqdisho oo ku saabsanaa in la xiri karo madax hore oo lagu eedeeyay abaabulka dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo ka dhaca Muqdisho.
Xisbigu wuxuu ciidamada ammaanka ku eedeeyay cabsi gelin, handadaad, iyo tacaddiyo ka dhan ah shacabka ku nool caasimadda, isagoo sheegay in ay wadaan diiwaangelinta magacyada saraakiisha booliska ee lagu tuhunsan yahay jirdil iyo falal sharci darro ah. Mas’uuliyiinta xisbiga ayaa sheegay in xogtaasi dhawaan la shaacin doono si shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamku ay ula socdaan falalka lagu eedeeyay ciidamada.
Himilo Qaran ayaa sidoo kale ku dooday in dowladda federaalka aysan haysan sharciyad rasmi ah islamarkaana ay si sharci darro ah ku sii joogto xukunka, sidaas darteedna aysan awood u lahayn inay xaddiddo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ama dibadbaxyada shacabka.
Xisbiga ayaa digniin u diray saraakiisha lagu eedeeyay tacaddiyada iyo cabsi gelinta, isagoo sheegay in mustaqbalka lala xisaabtami doono cid kasta oo ku lug leh falalkaasi, isla markaana qaar kamid ah mas’uuliyiintaasi ay ku jiraan liiska ugu horreeya ee baaritaannada iyo dacwadaha la filayo in la qaado.
