Khamiis, May 21, 2026 (Baidoa Online) -Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe fuliyay howlgal amni oo ballaaran oo laga sameeyay xaafado ka tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu tuhmayay in lagu keydiyay hub iyo agab militari oo sharci-darro ah, sida ay sheegeen ilo amni.
Howlgalka oo si qorsheysan u dhacay ayaa lagu arkay ciidamo tiro badan oo si weyn u sugaya amniga waddooyinka muhiimka ah, iyagoo baaritaanno ka sameynayay guryo iyo goobo gaar ah oo lagu tuhmayay inay xiriir la leeyihiin kooxo hubeysan. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray tirada dadka la xiray ama hubka la helay.
Degmada Dayniile ayaa loo arkaa mid ka mid ah degmooyinka ugu xasaasisan Muqdisho marka loo eego dhinaca siyaasadda iyo amniga. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa muddooyinkii dambe si cad uga soo horjeestay waxa ay ku tilmaameen boob dhul, halka siyaasiyiin muhiim ah oo kasoo jeeda degmada ay ku jiraan safka mucaaradka dowladda.
Sidoo kale, waxaa jira eedeymo hore oo tilmaamaya in dowladda federaalka ay mararka qaar si siyaasadaysan uga gaabiso adeegyada iyo qorshayaasha horumarineed ee degmada, taasoo sii kordhisay xiisadda iyo kalsooni-darrada siyaasadeed.
Howlgalkan ugu dambeeyay ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay kordhisay dadaallada amni ee lagu xaqiijinayo xasilloonida caasimadda, xilli ay weli jiraan caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo is biirsaday.
