Arbaco, Juun 3, 2026 (Baidoa Online) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay si adag ugu cambaareyneyso dhacdo hubeysan oo galabta ka dhacday degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo ku eedeysay in uu ka dambeeyay Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladda, dhacdadan ayaa ku lug lahayd maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay, kuwaas oo beegsaday saldhig boolis oo ay leeyihiin Ciidanka Booliska degmada Howlwadaag. Dowladda ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan la soo abaabulay habeenimadii ka horreysay weerarka.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in maleeshiyaadku adeegsadeen hub culus, isla markaana ay rasaas si aan kala sooc lahayn ugu fureen xaafado ay degan yihiin dad shacab ah, taasoo keentay cabsi iyo khasaare suurtagal ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in aysan aqbali doonin wax kasta oo lagu wiiqayo amniga caasimadda, lagu carqaladeynayo howlaha ciidamada ammaanka, ama lagu abuurayo qalalaase iyo cabsi bulshada dhexdeeda ah.
Hay’adaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan, iyadoo la sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay.
Ugu dambeyn, dowladda ayaa uga mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada ammaanka, waxayna ugu baaqday inay sii xoojiyaan iskaashiga si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho.

