Sabti, May 30, 2026 (Baidoa Online) -Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo waqtigoodu mudo dhaafay ayaa warqad rasmi ah u diray wakiillada caalamiga ah iyo safaaradaha shisheeye, iyaga oo ugu baaqay in tallaabooyin isla xisaabtan ah laga qaado saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya.

Warqadda ay xildhibaanadu direen ayaa lagu sheegay in la baaro saraakiil sare oo ay kamid yihiin Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Mumin, iyaga oo ku eedeeyay isaga iyo saraakiisha hoos yimaada ku lug lahaansho falal la xiriira khaladaad amni oo ka dhacay Muqdisho.

Xildhibaanadu waxay si gaar ah ugu baaqeen beesha caalamka in laga qaado tallaabooyin ay kamid yihiin cunaqabatayn gaar ah, xayiraad dhaqaale, iyo mamnuucid safar oo lagu soo rogo mas’uuliyiinta ay magacaabeen. Sidoo kale waxay dalbadeen in la furo baaritaan caalami ah oo horseedi kara in maxkamad la soo taago eedeymo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Ilaa hadda mas’uuliyiinta la eedeeyay kama aysan jawaabin eedeymahan loo jeediyay.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli ay Soomaaliya ka jiraan xiisado siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, gaar ahaan muranno la xiriira maamulka, hoggaanka amniga, iyo awood qeybsiga hay’adaha dowladda.