Arbaco, Juun 17, 2026 (Baidoa Online) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa isku shaandheyn degdeg ah ku sameeyay hoggaanka Taliska Booliska Militariga, isagoo xilka ka qaaday Taliyihii hore Aadan Jeele, isla markaana u dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare.

Sida ay sheegayaan ilo rasmi ah, isbeddelkan ayaa dhacay shalay, waxaana uu qayb ka yahay dib-u-habeyn lagu sameynayo qaab-dhismeedka amniga dalka.

Aadan Jeele ayaa horey u ahaa Taliyaha Taliska Booliska Militariga oo door muhiim ah ka ciyaara sugidda amniga magaalada Muqdisho, ka hor inta aan laga qaadin xilka.

Wax yar kadib xil-ka-qaadistiisa, ayaa isla markiiba loo dalacsiiyay darajo sare oo militari, inkastoo aan weli si rasmi ah loo faahfaahin sababta ka dambeysa go’aankan degdegga ah.

Illaa hadda lama shaacin xilka cusub ee loo magacaabi doono Aadan Jeele, waxaana isha lagu hayaa tallaabada xigta ee dowladda.