Arbaco, Juun 10, 2026 (Baidoa Online) -Mucaaradka Soomaaliya ee sida joogtada ah uga soo horjeeda muddo-kordhinta iyo hanaanka doorashooyinka ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga aamusay doorashada maanta ka dhacaysa magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyadoo la rumeysan yahay in ay tahay tijaabada ugu muhiimsan ee dowladda federaalku ku doonayso inay ku cabbirto qorshaheeda siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka dowlad goboleedyada kale, gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle.
Musharraxa sida weyn loo hadal hayo ee ay taageerayso Villa Soomaaliya ayaa ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu saameynta badan siyaasadda dalka.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in aamusnaanta mucaaradku ay si weyn u xoojin karto fursadaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda federaalka ee ku aaddan hirgelinta qorshayaal la mid ah kuwa Baydhabo ka socda.
Mucaaradka oo hore u taageeray sii joogitaanka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) xilli ay jireen muranno ku saabsan muddo-xileedkiisa, ayaa hadda u muuqda kuwo ka fogaanaya inay si cad uga horyimaadaan ama u taageeraan dhinac kasta oo ku lug leh doorashadan. Ilo siyaasadeed ayaa tilmaamaya in kooxaha mucaaradka ay ka taxaddarayaan inay galaan khilaaf siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara danahooda mustaqbalka.
Dhawaan, mucaaradka ayaa sidoo kale ka aamusay khilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa Galmudug, iyagoo aan garab siin dhinacyadii isku hayay arrimaha maamulka iyo doorashada. Arrintaas ayaa dhalisay dood ku saabsan doorka mucaaradka iyo awooddooda ay ugu hortagi karaan qorshayaasha siyaasadeed ee Villa Soomaaliya.
Doorashada maanta ka socota Baydhabo ayaa lagu wadaa inay doortaan 95-ka xubnood ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, kuwaas oo dooran doona madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo daneeyayaasha ayaa ku doodaya in habka doorashadu uu u muuqdo mid u janjeera dhinaca musharraxa ay taageerayso dowladda federaalka, inkastoo taageerayaasha geeddi-socodka doorashada ay arrintaas beeninayaan.
Natiijada doorashadan ayaa la filayaa inay saameyn weyn ku yeelato jihada siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego doorashooyinka soo socda ee dowlad goboleedyada iyo doodaha ku saabsan mustaqbalka nidaamka federaalka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
