Isniin , May 25, 2026 (Baidoa Online) -Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijooyinka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay soo gudbiyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Soohdimaha Qaranka.

Ansixinta Maxkamadda Sare ayaa timid kadib markii dib u eegis lagu sameeyay hannaanka doorashada iyo natiijooyinka ay soo gudbiyeen hay’adaha awoodda u leh.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa horey u boykootay doorashooyinkan, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan sharci ahayn isla markaana aan matalin rabitaanka shacabka, isla markaana ay si buuxda u diideen natiijada.

Arrintan ayaa muujinaysa khilaaf siyaasadeed oo sii socda oo la xiriira hannaanka doorashooyinka gobolka.