Jimco, Juun 12, 2026 (Baidoa Online) -Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu 14-ka bishan booqasho rasmi ah ku tago dalka Israa’iil, taasoo noqon doonta safarkiisii ugu horreeyay ee rasmi ah ee uu ku gaaro dalkaasi, sida ay baahiyeen warbaahinta ka howlgasha Tel Aviv.

Warbaahinta i24 News ayaa sheegtay in Madaxweyne Cirro lagu wado inuu booqdo goobo kala duwan oo Israa’iil maamusho, kuwaas oo ay ku jiraan xarumo iyo goobaha xusuusta ee Israa’iil u asteeysay dhacdooyinka iyo weerarradii ay sheegto in shacabka dalkaasi loo geystay.

Booqashada ayaa sidoo kale lagu wadaa inay diiradda saarto xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dhinac, iyadoo la filayo inay yeeshaan kulamo heer sare ah oo looga hadlayo arrimo badan oo dan wadaag ah.

Sida ay wararku sheegayaan, labada dhinac ayaa qorsheynaya inay kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah oo quseeya horumarinta, maalgashiga, teknoolojiyadda iyo iskaashiga dhinaca amniga.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo faahfaahsan oo kasoo baxay Somaliland ama Israa’iil oo ku saabsan ajandaha booqashada iyo heshiisyada la filayo in la saxiixo.