Axad , Juun 14, 2026 (Baidoa Online) -Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirro) iyo Marwada Koowaad Fardowsa Mohamed Roble ayaa lagu wadaa in Axadda ay booqasho rasmi ah ku gaaraan dalka Israa’iil, taas oo lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo furaysa bog cusub oo xiriirka labada dhinac ah.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne ka tirsan Somaliland si rasmi ah ugu tago Israa’iil, waxaana ay ku soo beegmaysaa kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland bishii December 2025.

Madaxweynaha ayaa horey u qorsheeyay inuu booqasho rasmi ah ku tago Israa’iil dhammaadka bishii Maarso, sida ay hore u werisay warbaahinta The Jerusalem Post, balse safarkaasi ayaa dib loo dhigay.

Inta uu socdo safarka, Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu kulan heer sare ah la yeesho Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog, kaas oo ka dhici doona Aqalka Madaxtooyada ee Jerusalem subaxnimada Axadda.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliland waxaa ku jira wasiirro sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Madaxtooyada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Wasiirka Horumarinta Biyaha, iyo Wasiirka Macdanta iyo Maalgashiga.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashi dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, biyaha, kheyraadka dabiiciga ah, iyo amniga. Sidoo kale waxaa la filayaa in la saxiixo heshiisyo dhowr ah oo iskaashi ah.

Booqashadan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo saameyn weyn ku yeelan karta xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, iyadoo sidoo kale la filayo inay saameyn ku yeelato xaaladda siyaasadeed iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.