Arbaco, Juun 17, 2026 (Baidoa Online)-Madaxweynaha Somaliland ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in Israa’iil ay saldhigyo militari ku leedahay Somaliland, isaga oo sheegay in aanay jirin wax ciidamo ama xarumo militari oo Israa’iil leedahay oo ka hawlgala gudaha Somaliland.
Wareysi uu siiyay warbaahinta I24 News, Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray wararka la xiriira joogitaanka militari ee Israa’iil, isagoo tilmaamay in sheegashooyinkaasi aysan wax sal iyo raad ah lahayn.
Markii wax laga weydiiyay suurtagalnimada weerarro kaga yimaada kooxda Xuutiyiinta Yemen, Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland aysan dooneyn wax iska horimaad ah oo ay la gasho dhinac kasta.
“Cidna cadow uma nihin,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo intaa ku daray in Somaliland ay difaaci doonto amnigeeda iyo dadkeeda haddii weerar lagu soo qaado.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo ay isa soo tarayaan hadal-heynaha ku saabsan xiriirrada dibadda iyo iskaashiyada amni ee Somaliland, gaar ahaan wararka la xiriira iskaashi istiraatiiji ah oo ka socda gobolka Badda Cas.
Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa marar badan ku celceliyay in xiriirrada iyo iskaashiyada ay la sameeyaan dalalka iyo dhinacyada kale ay ujeeddadoodu tahay horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo danaha Somaliland, isla markaana aysan ku wajahnayn waxyeellaynta dalal ama kooxo kale.
