Arbaco, Juun 17, 2026 (Baidoa Online) -Ilo kala duwan oo xog-ogaal u ah arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay amartay in dib loo furo faylasha boqolaal askari oo hore uga tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo loo diiwaangeliyay fakad ama maqnaansho shaqo, si dib loogu qiimeeyo xaaladdooda loogana shaqeeyo sidii loogu soo celin lahaa ciidamada.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow talisyada ciidamada, hawshan ayaa loo xilsaaray Taliska Ciidanka Dhulka, waxaana durba la bilaabay xiriirro lala sameynayo askar muddooyinkii la soo dhaafay ka maqneyd diiwaannada ciidamada kadib markii lagu eedeeyay inay ka hareen shaqada.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in askarta dib loo eegayo ay ku jiraan tiro ka mid ah ciidamadii tababarka ku soo qaatay dalka Eritrea, kuwaas oo sida la sheegay qaarkood muddo dheer ka cabanayay mushaar la’aan, xuquuqo la’aan iyo dayacaad ka dib markii dalka dib loogu soo celiyay.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in qorshuhu aanu ku koobnayn oo keliya dib-u-soo-celinta askartan, balse la qorsheynayo in qaar badan laga abaabulo cutubyo gaar ah oo cusub kuwaas oo yeelan doona qaab maamul iyo talis u gaar ah.

Ilo siyaasadeed ayaa ku doodaya in tallaabadan ay kusoo beegmeyso xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo marxaladda kala-guurka ee dalka. Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, waxaa jira walaac laga qabo in qaar ka mid ah ciidamada hore loo fakadeeyay ay ku biiraan dhinacyada mucaaradka haddii aan dib loogu soo darin hay’adaha amniga.

Sidoo kale, ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in qorshe lagu ballaarinayo cutubyo ciidan oo gaar ah uu socdo, kuwaas oo la siin karo gunnooyin iyo xuquuqo ka duwan kuwa ciidamada caadiga ah. Arrintan ayaa dhalisay dood ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto isku-duubnida iyo qaab-dhismeedka ciidamada qaranka.

Dhinaca kale, taageerayaasha dowladda ayaa ku doodaya in dib-u-habeynta ciidamada iyo dib-u-soo-celinta askar hore loo waayay ay muhiim u tahay xoojinta awoodda ciidamada xilli dalka uu wajahayo caqabado amni oo waaweyn, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Ilaa hadda, Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga si rasmi ah ugama aysan hadlin wararkan, mana jiraan faahfaahin rasmi ah oo lagu xaqiijiyay baaxadda iyo ujeeddooyinka qorshaha la sheegay.

Haddii wararkani xaqiiqo noqdaan, dib-u-eegista iyo dib-u-soo-celinta askarta hore loo fakadeeyay ayaa noqon karta mid ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sannadihii ugu dambeeyay, iyadoo saameyn ku yeelan karta dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda dalka.