Jimco, May 29, 2026 (Baidoa Online) -Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan magaalada Baydhabo ayaa sii xoogeysatay kadib markii Malaaq Cali Maxamed Nuur “Shanla Gaab” iyo ciidamo uu hoggaaminayo ay maanta ku biireen ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen,” kuwaas oo ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.
Sidoo kale, saaka aroortii hore waxaa duleedka Baydhabo gaaray ciidamo kasoo goostay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray ciidamada daacadda u ah Laftagareen.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada cusub ay wataan hub culus, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow laga dareemayo jiidaha ku hareeraysan Baydhabo.
Imaatinka ciidamada iyo masuuliyiinta dhaqanka taageeraya mucaaradka ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladda Baydhabo isu beddesho qalalaase amni iyo iska horimaadyo cusub, haddii aan xal siyaasadeed degdeg ah loo helin khilaafka u dhexeeya dhinacyada isku haya maamulka Koonfur Galbeed.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in shacabka magaalada ay si weyn uga cabsi qabaan in xiisadda sii kororta ay saameyn ku yeelato amniga guud iyo xaaladda nololeed ee magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow dhow.



