Arbaco , May 20, 2026 (Baidoa Online) -Dowladda Turkiga ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho soo gaarsiisay gaadiid dagaal oo loogu talagalay Guutada 33-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Gaadiidkan oo ay ku jiraan kuwa gaashaaman iyo kuwa kale oo loogu talagalay howlgalada degdegga ah ayaa lagu xoojinaayaa awoodda iyo dhaqdhaqaaqa ciidanka Gorgor, oo ka mid ah cutubyada sida gaarka ah loogu tababaro hawlgallada culus iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

Ilo amni ayaa sheegay in gaadiidkan lagu wareejin doono taliska Guutada 33-aad, si ay u adeegsadaan hawlgallada amniga iyo dagaallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Dowladda Turkiga ayaa sanado badan si dhow ula shaqeyneysay Soomaaliya, iyadoo bixisa tababar ciidan, qalab millatari iyo taageero farsamo, taas oo lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo si faahfaahsan uga soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ama saraakiisha Turkiga oo ku saabsan tirada saxda ah iyo nooca gaadiidka la keenay.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta awoodda ciidankeeda iyo la-dagaallanka kooxaha amniga khalkhal gelinaya.