MOGADISHU, Soomaaliya — Luulyo 31, 2026 — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cadho ka muuqatay uga falceliyay warsaxaafadeedkii laga soo saaray shirkii Kampala, kaddib markii lagu daray qodob ku baaqaya in Soomaaliya laga gaaro heshiis siyaasadeed loo dhan yahay, arrin sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah uu madaxweynuhu si adag uga horyimid intii uu shirku socday.

Shirka Kampala oo ay martigelisay dowladda Uganda ayaa isugu yimid wasiirrada dalalka ciidamada ku leh Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si looga arrinsado amniga Soomaaliya, mustaqbalka howlgalka iyo qorshaha kala-guurka amniga.

Inkasta oo shirku diiradda saaray arrimaha amniga, warsaxaafadeedkii gabagabada ayaa si cad u sheegay in nabadda waarta ee Soomaaliya ay ku xirnaan doonto heshiis siyaasadeed loo dhan yahay, kaas oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo dib-u-habeynta laamaha amniga.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in la helo maalgelin waarta oo la saadaalin karo oo lagu taageero ciidamada AUSSOM, isla markaana la dejiyo qorshe cad oo leh halbeegyo lagu cabbiro sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ula wareegayso mas’uuliyadda amniga.

Qoraalka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay muujiso hoggaan siyaasadeed iyo ballanqaad xooggan si ay si tartiib tartiib ah ula wareegto amniga dalka.

Xasan Sheekh Oo Ka Carooday Qodobka Siyaasadda

Sida ay Gaylan Media u xaqiijiyeen ilo ka qeyb galay shirka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn uga carooday qodobka la xiriira heshiiska siyaasadeed ee lagu daray warsaxaafadeedka.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in dhinacyadu hore ugu heshiiyeen in arrimaha siyaasadda gudaha Soomaaliya aan lagu darin warsaxaafadeedka rasmiga ah ee shirka, balse dowladda Uganda ay si toos ah ugu dartay qodobkaas markii la soo saaray bayaanka gabagabada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in madaxweynuhu intii lagu jiray xiritaanka shirka uu jeediyay hadal ay ka muuqatay caro iyo diidmo uu ka qabo qaabka loo qoray warsaxaafadeedka.

Arrinta ayaa sii xoogeysatay kadib markii warbaahinta Uganda ay si toos ah u baahinaysay qaybaha shirka iyo nuxurka warsaxaafadeedka, taas oo sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan ay Villa Soomaaliya u aragtay arrin aan lagu heshiin.

Ilaa iyo hadda, Madaxtooyada Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin hadallada madaxweynaha iyo mowqifkeeda ku aaddan warsaxaafadeedka Kampala.

Qodobada Kale Ee Warsaxaafadeedka

Warsaxaafadeedka Kampala ayaa sidoo kale xaqiijiyay in amniga Soomaaliya uu si dhow ula xiriiro amniga guud ee Geeska Afrika.

Dalalka ka qeyb galay waxay ku baaqeen in la ilaaliyo guulaha ay gaartay howlgalka AUSSOM, isla markaana la sharfo naf-hurnimada ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee ka howlgalaya Soomaaliya.

Waxa kale oo bayaanku adkeeyay in kala-guurka amniga uu noqdo mid qorsheysan, waara, isla markaana ku saleysan diyaar garowga ciidamada Soomaaliyeed.

Shirka Kampala ayaa yimid xilli ay socdaan wada-hadallo ku saabsan mustaqbalka howlgalka AUSSOM, qaabka loo maalgelinayo iyo waqtiga ay ciidamada Soomaaliyeed si buuxda ula wareegi doonaan amniga dalka.

Uganda oo ah dalka ugu ciidanka badan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa muddo dheer ku doodaysay in guulaha militari ay la socdaan wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo dhismaha hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.

Shirka waxaa inta badan ka qeyb galay wasiirro ka socda dalalka ciidamada ku leh Soomaaliya, halka inta badan madaxda dowladaha aanay si shaqsi ah uga soo qeyb gelin.

Khilaafka ka dhashay warsaxaafadeedka Kampala wuxuu muujinayaa kala aragti duwanaanta u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka ciidamada ku leh Soomaaliya ee ku saabsan sida loo wajihi karo isku xirka amniga iyo siyaasadda.

Bayaanka Kampala wuxuu sidoo kale muujinayaa in dalalka gobolka ay aaminsan yihiin in guusha amniga Soomaaliya aysan ku koobnaan karin howlgal militari oo keliya, balse ay u baahan tahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran, maalgelin joogto ah iyo qorshe kala-guur oo cad.