Jimco , Juun 5, 2026 (Baidoa Online)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen halka 189 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalladii dhawaan ka dhacay Muqdisho ee u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.
Warbixin ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in dagaalladu sidoo kale sababeen barakaca ku dhowaad 12,500 oo qoys, kuwaas oo ay ku jiraan haween iyo carruur tiro badan, taasoo sii xoojisay walaaca laga qabo saameynta bani’aadamnimo ee colaadda.
Dagaallada ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda ayaa sababay in kumannaan qof ay ka cararaan guryahooda si ay uga badbaadaan rasaasta culus iyo qaraxyada. Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in dadka barakacay ay si degdeg ah ugu baahan yihiin hoy, cunto, biyo iyo adeegyo caafimaad.
UNHCR ayaa muujisay walaac xooggan oo ku saabsan saameynta ay rabshaduhu ku yeesheen shacabka rayidka ah, waxayna ku baaqday in la ilaaliyo dadka aan dagaalka ku jirin isla markaana laga hortago barakac hor leh.
Dagaalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka jiraan xiisado siyaasadeed oo sii kordhaya, iyadoo beesha caalamku ku boorrinayso dhinacyada is haya inay wadahadal ku xalliyaan khilaafaadkooda kana fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara xasillooni darrada dalka.


