Khamiis, May 14, 2026 (Baidoa Online) -Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay in la duqeeyey ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee taageersan Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, isagoo ku tilmaamay inay yihiin Al-Shabaab.

Wararku waxay intaas ku darayaan in diyaaradaha fuliyey duqeynta ay ka yimaadeen magaalada Muqdisho.

Warkan ayaa daba socda kadib markii maanta weerar dhimasho badan geystay ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo lagu dilay qaar kamid ah saraakiishii ugu sarreysay dowladda ee ku sugnaa gobolka Baay.